Iska horimaad u dhexeeya ciidamada DF oo goor dhoweyd ka qarxay inta u dhexeysa Tarabuunka iyo Ex-warshadii caanaha ee degmada Hodan.
Dagaalo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka ayaa abaarihii 9:00 subaxnimo ee saaka ka qarxay deegaano ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa fagaaraha Tarabuunka iyo Ex-warshadii caanaha, waxaana dagaaladaasi isaga hor yimid ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi ku wada sugnaa sida dadka deegaanadasai ku dhaqan ay xaqiijinayaan.